Shaqsiyaadkii dilay Jamal Khashoggi oo tababar ku soo qaatay Mareykanka

Xubno ka mid ah shaqsiyaadkii ku dilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul wariye Jamaal Khashoggi ayaa ku soo tababartay dalka Mareykanka sida laga soo xigtay majalada Washington Post.



Khashoggi, ayaa marar badan dhaliilay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo lagu tuhmayo in uu yahay maskaxdii soo Qorsheysay.


Wariyaha ayaa 2-dii bishii October booqday dhismaha qunsuliyada sacuudiga si uu uga soo qaato warqada cadeyneysa in ay kala tageen xaaskiisii hore.


Turkiga ayaa sheegay in dilkaan ay ka danbeeyeen 15 xubnood oo ka yimid sacuudiga kuwaasi oo dib ugu laabtay dalkooda markii ay dilka fuliyeen.


Wariye David Ignatius, oo u shaqeeya Washington ayaa dad diiday in la xuso magacooda oo ku sugan Mareykanka iyo sacuudiga waxay u sheegeen in raga dilka geestay ay ku soo tababarteen shirkada  Tier 1 Group.



Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa ilaa iyo hada ka hadlin warbixintaan cusub ee laga soo saaray dilka Khashoggi.

Faallooyin