Kooxda Manchester City oo heshiis la gaartay Haaland

Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa heshiis la gaartay weerar yahanka kooxda kubada cagta ee Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka Erling Haaland.

Heshiiskaan Haaland ayaa goordhow lagu shaaciyay bogga rasmiga ah ee kooxda ku leedahay barta Twitter-ka ku leedahay kooxda City.

Qiimaha £51.1 Million, balse qiimaha ayaa gaari doona £85.million marka la Soo gabagabeeyo heshiiska 1-da bisha Luulyo oo uu furmi doono suuqa kala iibsiga Cayaartoyda.

War saxaafadeedka kooxda man City ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda ay baadi goob xoogan ugu jirtay sanadihii la soo dhaafay weerar yahan buuxiya booska Sergio Aguero oo kooxda ka Tagay.

Tababaraha kooxda City Pep Guardiola oo ka hadlay heshiiskan ayaa soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay in awood badan uu ku soo kordhin Doono.

Qabiirada ka faalooda kubada ayaa aaminsan hogaan la,aanta dhanka weerarka ee kooxda City ay qeyb ka tahay sababaha ay ugu guuleysan la,dahay koobka kooxaha horyaalada Yurub ee loo yaqaan Uefa Champions League-ga.

Faallooyin