Algeria iyo Senegal oo iska xaadiriyay kama danbeysta koobka qaramada qaarada Afrika

Waxaa caawa la cayaaray kulamadii afar dhamaadka koobka qaramada qaarada Afrika ee ka socda wadanka Masar.


Xulka kubada cagta ee Senegal ayaa ayaa la cayaaray Tunisia iyadoo kulankaan uu ahaa kulan aad u adag.

Labada koox ayaa soo bandhigay kulan aad u xamaasadeysan waxaana oo isku dhiib dhiib badan kadib qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 0-0.

Marka laga soo laabtay qeybtii nasashada ayaa labada wadan waxay sameeyeen dadaalo badan balse uma saamixin in ay goolal iska dhaliyaan


Daqiiqadii 75-aad ee cayaarta ayaa garsooraha wuxuu u dhigay gool ku laad xulka Tunisia balse waxaa ka qasaariyay cayaariyahanka qadka dhexe oo lagu magacaabo
F. Sassi.


Si la mid ah xulka Senegal ayaa helay daqiiqadii 81 gool ku laad waxaana fursada iyagana ka lumiyay H. Saivet oo qalbada dhexe ka uga dhela Senegal.


Dhamaadkii cayaarta daqiiqadiihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa xulka Tunisia waxay iska dhaliyeen gool waxaana sabab u ahaa Tunisia D. Bronn.

Dhanka kale waxaa kulmay isla caawa wadamada Nigeria iyo Algeria kadib kulan dhacay garoonka Cairo
Int'l Stadium.


Kooxda Algeria ayaa dar dar la soo gashay kooxda garoonka waxaana daqiiqadii 40 gool iska dhaliyay xulka Nigeria taasi oo sababteeda lahaa W. Troost-Ekong oo ka tirsan xulka Algeria.


Markii dib la isugu laabtay ayaa Nigeria ay sameysay dadaal badan iyadoo daqiiqadii 75-aad ee qeybtii qeybta danbe goolka ay iska soo gudeen Nigeria kadib qalad uu galay difaaca Algeria.


Garsooraha ayaa dhigay gool ku laad waxaana u soo istaagay cayaariyahan ka lambarka sagaalaad ee Nigeria
O. Ighalo waxaana uu dib u soo celiyay rajadii Nigeria.


Markii lagu daray daqiiqadiihii dheeriga ahaa ayaa laad xor ahaa oo loo dhigay xulka Algeria waxaa u dhaliyay xidiga ay ku duulayaan ee Riyaad Mahrez.


Cayaarta ayaana ku soo idlaatay sidaas waxaana kulanka kama danbeesta ah wada cayaari doona wadamada Algeria iyo Senegal maalinta Jimcaha.


Faallooyin