Kooxda Liverpool oo ku Guuleysatay koobka Horyaalada Yurub

Kooxda kubada Cagta Liverpool ayaa caawa ku guuleysatay koobka kooxaha Horyaalada Yurub ee Uefa Champions League kadib kulan ay wada cayaareen kooxda Tottenham.


Labada kooxood ayaa ciyaarta markii ay bilaabatay waxaa daqiiqadii labaad gool kulaad loo dhigay kooxda Liverpool u dhaliyay xidiga reer Masar ee Maxamed Saleh.


Kooxda Tottenham ayaa maamulka cayaarta heysatay qeybtii hore walow ay ku guul dareysatay in ay la timaado goolka barbar dhaca.



Garoonka Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid ayaa waxaa soo xaadiray 63272 oo isugu jira marti sharaf kubada cagta ah iyo taageerayaasha labada Koox.


Markii la isku soo noqday ayaa kooxda Tottenham isku day in ay iska soo gudo goolka halka Liverpool ay u muuqatay koox ilaashaneysa Goolka.


Daqiiqadiihii danbe ee cayaarta ayaa badal waxaa lagu keenay xiddiga reer Belguim ee D. Origgi, waxaana uu hurdo u diray kooxda reer London kadib caawin uu ka helay Joel Matip.


Garsoore Damir Skomina oo u dhashay dalka (Slovenia) ayaa loo xushay kulankaan in uu dhexdhaxaadiyo.




Faallooyin