Liverpool oo Anfield ugu qubeysay kooxda Barcelona

Kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa si la yaab leh uga ciribtirtay kooxda Barcelona afar dhamaadka koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions Leagua.


Kulan adag oo si weyn isha loogu wada hayay ayaa 10-kii habeenimo   ka bilowday garoonka kooxda Reds ee Anfeild.


Kooxda Liverpool oo kulankii hore lagu soo suul daaray 3 -0 ayaa caawa awooday in ay afar gool u badasho kadib goolal ka kala yimid  xidigaheeda kala ah D.Origi G. Wijnaldum.

Gool madax ahaa ayaa D.Origi uu dhaliyay daqiiqadii 7-aad iyadoo lagu kala nastay qeybtii hore 1-0.


Markii la isku soo laabtay ayaa daqiiqadii 54-aad iyo 6-aad waxaa laba gool oo deg deg ah is raacsaday G. Wijnaldum waxaana ay noqotay ciyaarta 3-3.



Liverpool ayaa dadaalo badan ay gashay iyadoo og wali in ay howl u taalo waxaa daqiiqadii 79-aad u dhaliyay D.Origi.


Si kastaba ha ahaatee kooxda Barcelona oo wadata xidigeeda Liverpool ayaa ugu danbeyn waji gabax kala baxday garoonka Anfield.

Faallooyin