C.Ronaldo oo u dheeli doonin xulka dalkiisa xilli lagu eedeynayo kufsi uu geystay

Xidiga kooxda kubada cagta Juventus iyo qaranka Portuqal Cristiano Ronaldo ayaa ka tagay kooxda qaranka iyadoo uu dalkiisa ay ku soo wajahan yihiin cayaar adag.

Arintaan ayaa la ogeyn sababta keentay iyadoo xidigaan maalmihii u danbeeyay si weyn loogu eedeynayay fal kufsi ah oo ka dhacay wadanka Mareykanka.

Kabtan Ronaldo ayaa cayaari doonin cayaarta UEFA Nations League oo ay la dheelayaan wadanka Poland 11 October iyo cayaarta saaxiibtinimo ee sadex maalin kadib magaalada Glascow kula leeyihiin xulka Scotland.

Macalinka burtuqaal Fernando Santos ayaa khamiista maanta ah sheegay in bishan November uusan xidigoda uu ka qeyb qaadan donin waajibaadka qaran.


Santos ayaa sheegay in go,aankan la gaaray kadib kulan ay wada qaateen Isaga ronaldo iyo xiriirka kubada cagta burtaqiiska.

Lama oga arintaan in ay sabab u tahay eedaha kufsi oo ciyaariyahanka Juventus uu wajahayo iyo inkale.

Faallooyin