Muhiimadda uu leeyahay shirka culimada ee ka socda Magaalada Muqdisho

Shirka Culimada Soomaaliyeed ee ay soo qaban-qaabisay Dowladda Federaalka ayaa maalintii 2aad ka socda Magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlaya mowqifka culimada ee maleeshiyada Al Shabaab, taageerada dowladda iyo dhismaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed.
Culimada oo isaga kala yimid dal iyo dibadba ayay tahay inay ummadda Soomaaliyeed u iftiimiyaan fekerka Khawaarijta, una caddeeyaan habowsanaantooda, waana shir uu ujeedkiisu yahay in lagu taageero dagaalka ay dowladdu ku dooneyso in ay dalka kaga suuliso Shabaabka hubeysan.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Saalax Shariif Sayid Cali ayaa hadafka laga leeyahay shirkan ku qeexay, sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada dalka ka taagan.
"Shirkan muhiimaddiisa waxaan ka dareemi karnaa xaaladda aan ku suganahay, waxaana rabnaa haddii Ilaahay idmo, dhibaatada wadankeena raggaadisay in lagu xaliyo." Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.
Wasiir Kuxigeenka ayaa yiri "Waxaan ka warhaynaa dhallinyaro Soomaali ah iyo kuwo maafiyo ah oo dibadda ka yimid in shacabkeena ay gumaadayaan. Marka waxaan rabnaa fekerkaas talo fiican in laga gaysto."
Shabaabka ayaa lagu tilmaamaa awoodda keliya ee maanta ka horjeedda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale ee dalka ka dhisan, waana kuwo ay ficiladooda waxyeelo muuqato ka soo gaareyso shacabka Soomaaliyeed.
Shan iyo tobankii sano ee ay dalka ka dagaalamayeen ayaa waxaa gacantooda ku baxay kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaa oo leh masuuliyiin, askar iyo rayidba.