Wararkii ugu dambeeyay tiro madaafiic ah oo lagu weeraray Aqalka Villa Somalia

Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga maqlay jugta illaa lix hoobiye, oo ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Madaafiicdan oo aan la garanayn halka laga soo tuuray ayaa u muuqday kuwo loo riday dhanka Aqalka Villa Somalia.

Madaafiicda qaarkood ayaa la sheegay inay ku dhaceen hoyga Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo xaafadaha ku yaala xeendaabka Madaxtooyada.

Mid ka mida madaafiicda oo ku dhacay xaafadda Ex Fiyoore ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo rayid ah, oo uu ku jiro ilmo yar.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay dhibaneyaasha in gelinkii dambe ee maanta lagula cararay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Al Shabaab ayaa sheegtay in illaa sagaal hoobiye ay ku weerareen Aqalka Madaxtooyada, isla-markaana ay saddex ka mida gudaha ugu dhaceen hoyga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shabaabka ayaad mooddaa inay kordhiyeen weeraradooda, tan iyo intii hawlgalada looga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Faallooyin