Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed, oo ay ka qaybgalayaan culimo isaga kala yimid dal iyo dibadba.

Shirkan oo horey uu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saabsan doorka culimada ee la dagaalanka fekerka Khawaarijta, caddeynta habowsanaantooda iyo dhismaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed.

May be an image of 3 people and people sitting

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay, sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhigan yihiin diintooda suubban, argagixisaduna ay uga been abuurteen.

Madaxweynaha ayaa xusay culimadii Soomaaliyeed ee lagu dilay Magaalada Muqdisho, maanta oo kale sanadkii 1975-kii, kuwaas oo u shahiiday in ay dadka Soomaaliyeed ka difaacaan afkaartii khaldaneyd ee hanti-wadaagga iyo marin habaabinta diinta Islaamka, waxa uuna sheegay in dowladnimada Soomaaliyeed ee maanta ay aasaas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Al Shabaab ay xasuuqeen culimadii iyo waxgaradkii dalka, ayna hor istaageen nolasha iyo horumarka deegaannada ay xoogga ku haysteen, taas oo sababtay in uu xoogeysto kacdoonka ay shacabka Soomaaliyeed ku diideen argagixisada, kagana soo horjeesteen fekerka xagjirnimada ah.

“Qofkii rajo ka qaba Al Shabaab in ay u naxariisanayaan haku tusaale qaato wadaadkii Indhoolaha ahaa ee isaga oo meel uu u baxsado la’ ay ku dileen Xarunta Gobolka Benaadir. Dagaalka Khawaarijta muddo dheer ayuu soo socday, waxa uuna soo gaaray maanta oo dhibaatadoodu ina wada gaartay. Waxaan rabnaa in xal loo helo dabar-goynta fikirkaas, xalkiina shirkaan ayaa laga sugayaa." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay mudnaan siineyso diyaarinta sharcigii lagu dhisi lahaa Hay’adda culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa hay’adaha ugu muhiimsan dowladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka iyaga oo wakiil uga ah dowladda.

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 2 people

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 5 people, people sitting and suit

May be an image of 4 people and people sitting

May be an image of 2 people

May be an image of 1 person, standing and indoor

May be an image of 2 people

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of 1 person

May be an image of 3 people, people standing and indoor

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 3 people, people standing, people sitting and indoor

May be an image of 4 people and people standing

May be an image of 5 people and people standing

Faallooyin