Ciidamada oo soo afjaray weerarkii Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamada ay soo afjareen weerarkii dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay ka gaysatay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu laba weji isugu jiray, wejiga hore inay ciidamada ku soo badbaadiyeen masuuliyiintii iyo muwaadiniintii kale ee xaruntaasi ku sugnaa, wejiga labaad ee hawlgalkana lagu soo afjaray dableydii weerarka gaysatay, oo lix nin ka koobneyd.

"Ciidamada amniga oo ahaa kuwa aad u feejigan ayaa goobtaas ka fuliyay hawlgal labo qaybood ah, qaybta hore oo ahayd badbaadinta masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku sugneyd goobta ayay ciidamadu fuliyeen sidii ay qorsheeyeen, iyaga oo ku guuleystay in ay ka soo saaraan halkaas iyaga oo badqaba.

Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo geba-gabeeyeen, iyaga oo toogtay kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sida warsaxaafadeedka lagu sheegay waxaa weerarka ku dhintay shan qof oo rayid ah, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Marka laga soo taggo warka ka soo baxay Dowladda Federaalka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in tirada dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi ay ka badan tahay inta ay dowladdu sheegtay.

No photo description available.

Faallooyin