Koonfur Galbeed oo xabsiga ka sii deysay askartii laga soo xiray hoyga Fargeeti

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta amray in xabsiga laga sii dayo askartii 23-kii bishii December laga soo xiray hoyga Musharax Madaxweyne Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ee Koonfur Galbeed.

Askartan oo ka kala tirsan Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa lagu soo qabqabtay weerar ay xilligaasi ciidanka maamulka ku qaadeen hoygaasi, oo ku yaala xaafadda Berdaale ee bariga Baydhabo.

Xubnaha uu Madaxweynuhu amray in dib xoriyadooda loo siiyo ayaa isugu jira 19 askari iyo qof shacab ah.

Askarta ayaa isla maantaba laga sii daayay Xarunta Hay'adda Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ay ku leedahay magaaladaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanan askartaasi dib loogu celin agabyadii iyo hubkii ay haysteen, markii la soo xirayay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka shaqeeyay in askartaasi oodda laga qaado, si uu u miro dhalo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee toddobaadkii hore ka furmay Baydhabo.

No photo description available.

May be an image of text

Faallooyin