Wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Xaaladda Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa haatan u muuqato mid degan, ka dib shan saac oo xiriir ah oo ay rasaas ka socotay.

Ciidamada amniga ayaa isku gadaamay dhismaha xarunta , qaarkood oo gudaha u galay ayay rasaas xoog leh is weydaarsadeen dableydii maleeshiyada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday. Ciidamada ayaa goobta ka soo badbaadiyay tiro dad ah, oo u badan masuuliyiinta maamulka iyo shaqaalaha gobolka.

Image

Goobjoogeyaal ayaa sheegaya inaanay hadda wax rasaas ahi ka socon gudaha dhismaha, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta in weerarka la soo afjaray.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dableydaasi ay ka faa'iideysatay xaalad is barbaryaac ah oo ka dhalatay qaraxii koowaad ee weerarku ku bilowday, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Dableyda oo ku labisneyd dareyska ciidamada ayayna u suurtagashay inay gudaha u gasho dhismahaasi.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, balse goobjoogeyaal ayaa sheegay inay arkayn meydadka dhowr qof iyo dhaawacyada tobanaan kale.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ee Aamin Ambulance, Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gaadiidkooda oo keliya ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada shan qof.

Agaasimaha Isbitaalka Martini, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) ayaa xaqiijiyay in isbitaalkaasi la gaarsiiyay dhaawacyada 19 qof.

Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Visha Governo ayaa ku taala xeendaab ganacsi oo aad u mashquul badan, dadkuna ay si weyn uga dukaameystaan.

Qaraxyada ka dhacay soonaha xaruntaasi ayaa waxa uu burbur ka soo gaaray dhismooyinka ku teedsan Aqalka Dowladda Hoose qaarkood. Goobahan ganacsi ayaana ku xirmay weerarkaasi oo ay Al Shabaab sheegatay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkan ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay.

Shabaab ayaa 24-kii bishii July ee sanadkii 2019 weerar qarax loo adeegsaday ka gaystay hoolka shirarka ee dhismahan, halkaas oo dhaawac culus uu ka soo gaaray Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), balse 1-dii bishii August dhaawacaasi ugu geeriyooday dalka Qatar. Qaraxaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay xubno ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo weliba masuuliyiin kale.

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waa aqalka 2aad ee dalka looga arrimiyo, iyada oo aqalkaasi uu adeeg u fidiyo qiyaastii afar milyan oo qof.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka qaarkood.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa maleeshiyada Shabaabka ka saaray, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Weerarku waxa uu ku soo aadaya, maalmo uun ka dib, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in wejiga labaad ee hawlgalada laga bilaabayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Faallooyin