Raysal Wasaaraha Xukuumadda oo qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee dalka

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee dalka, Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta taakuleynta uu Midowga Yurub siiyo Somaliya ee dhinacyada arrimaha bani'aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaanada laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

May be an image of 2 people, people standing, people sitting and indoor

"Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’antahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan, ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Raysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah."

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 1 person and suit

Faallooyin