Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay 20 nin oo ajaaniib ah

Wararka ka imaanaya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in laamaha amniga Galmudug ay gacanta ku dhigeen niman ajaaniib ah, kuwaa oo muddo dheer ay madax furasho u haysteen maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan Degmada Xarardheere ay soo fasaxeen ajaaniibtaas, isla-markaana ay gaadiid ku yimaadeen duleedka Hobyo, halkaasoo ayna hay'adaha ammaanka ka soo xireen.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Universaltv u sheegay in ajaaniibta oo u kala dhashay dalalka Pakistan iyo Iran ay u maleynayaan kalluumeysato muddo dheer ay Shabaabku ku hayeen Xarardheere.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa xusay in raggaasi hadda lagu hayo Saldhigga Booliska Hobyo, uuna socdo baaritaan xaqiijin ah.

Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Hobyo, Cabdullaahi Axmed Cali (Faat) ayaa tirada ajaaniibta ee la qabtay ku sheegay illaa 20 nin.

"Ciidamada amniga ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen dad ajaaniib illaa labaatameeyo ah oo ka yimid dhinaca Al Shabaab, laakiin sida ay sheegteen illaa haddeer inay yihiin niman kalluumeysato ahaa, oo ay haysteen nimanka la yiraahdo Al Shabaab." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha oo KNN la hadlay ayaa yiri "Nimankan dowladda gacanteeda ayay ku jiraan, baaritaanana ku socda."

Gudoomiye Faat ayaa tilmaamay in ragga ay gacanta ku hayaan aanay ku jirin wax Soomaali ah, isla-markaana ay dhammaantood ajaaniib yihiin.

"Labaatanka nin ee aan gacanta ku haynaa wax Soomaali ah kuma jiraan, Iraaniyiin iyo Pakistaaniyiin weeyaan, sida ay sheegteen." Ayuu yiri Gudoomiye Faat.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu aanay raggaasi ku soo qaban wax hub ah, tani hoos u dhigeysa in ay qayb ka yihiin ajaaniibta ka barbar dagaalanta maleeshiyada Al Shabaab.

Galmudug ayaa lagu wadaa inay dib ka soo faah faahiso waxa ay ajaaniibtaasi yihiin, kolka baaritaanada socda la soo geba-gabeeyo.

Faallooyin