Gudoomiye Xalane "Maxaabiis Shabaab ayaan ku qabanay Ceeldheere Buraale"

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawlgalka deegaanka Ceeldheere Buraale ayaa sheegay in hawlgalkaasi la soo geba-gabeeyay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga dib-u-xoreynta ayaa Sabtidii la wareegay deegaankan, oo ku yaala xadka kala qaybiya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, ka dib duqayn xoogan oo habeen hore ay ka gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

May be an image of 6 people and outdoors

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay iska caabin kala kulmeen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Shabaabka, kuwaa oo markii dambena noqday wax dagaalka lagu dilo, kuwa firxada iyo kuwo kaloo maxaabiis ahaan dagaalka loogu qabto.

"Waxaan hadda ku suganahay deegaanka Ceeldheere Buraale, oo ka tirsan Degmada Aadan Yabaal oo nawaaxigeeda ay maalmahaan dagaalada ka jireen, xadka maahanee waa gudaha Shabellaha Dhexe, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal ayay 15km u jirtaa. Hawlgalkii hadda deegaankaasi ka jirayna waa soo geba-gaboobay, si guul ah ayuuna ku soo geba-gaboobay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

"Hawlgalka wuxuu ka koobnaa weerar cirka ah iyo weerar ay qaadeen Ciidamada Danab iyo dadka deegaanka." Ayuu sii raaciyay Gudoomiyuhu.

Muumin Maxamed Xalane, Gudoomiyaha Degmada Maxaas ayaa sheegay inaanu dhankoodu wax khasaaro ka soo gaarin hawlgalkaasi, balse khasaaraha gaaray Shabaabku uu yahay mid aan tiro lahayn.

"Annaga xageena wax khasaaro ah ma jiraan, laakiin iyaga ma tiro koobno, dad badan oo dhintay way ka taggeen, maxaabiis nool waan ka soo qabanay oo waan ka haynaa, gaadiid waan ka soo qabsanay, dagaalamayaasha hubkoodiina waan ka soo qaadnay, dhawaana waan soo bandhigaynaa." Ayuu yiri Gudoomiye Xalane.

Gudoomiye Xalane ayaa yiri "Wax khasaaro oo dadka shacabka ka soo gaaray aan ognahay ma jiraan, dadku waa ka barakacay, guryihii lagu dagaalamay inay burbureen waa laga yaabaa oo nimankan godad ayay qoteen."

Waxa uu xusay inay kala jareen gurmadkii Shabaab ee bariga Gobolka Hiiraan iyo Gobolada Koonfureed.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yiri "Jidka jayga oo isku xira Degmooyinka Aadan Yabaal, Mahadaay iyo deegaanka Ceelbaraf ayaan dhexdooda joognaa. Degmada Aadan Yabaal waxay naga xigtaa dhanka bariga, Ceelbaraf iyo Mahadaay waxay naga xigaan dhanka qorax-sinka. Marinkii ay mari jireen ayaanu joognaa, Shabaab dambe oo koonfurta Somaliya iyo bariga Hiiraan ka soo gudba ma jiro."

Xalane ayaa ku waramaya in maxaabiista Shabaabka ee ay hayaan ku wareejin doonaan nidaamka uga degsan, isla-markaana aanay ula dhaqmi doonin sida uu yiri sida ay dadka ula dhaqmaan.

"Waxaan qabanay tiro maxaabiis oo dagaalamayaal iyo dhagarqabayaal ah, oo iyagoo dagaalamaayaa qabanay, qaarna iyagoo firxad ah ayaan duurka ka soo qabanay. Waan haynaa, wax dhibaato ah uma gaysan, nidaam ay maraanaa jira, nidaamkaana ku soo wareejinaynaa ee sida ay dadka ula dhaqmaan, ulama dhaqmi doono." Ayuu yiri Xalane.

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay 100 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo 10 ka mida uu horjoogeyaal ku sheegay.

"Hawlgalkaas oo ahaa mid aad loo qorsheeyay, isla-markaana xogtiisa ay ahayd mid isku duba-ridan ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen in ka badan 200 oo ka tirsan maleeshiyada Khawaarijta Al Shabaab, oo ay ku jiraan 12 horjooge. Goobtaas oo ay ugu diyaargaroobayeen in ay dagaalo rogaalcelis ah ku qaadaan deegaano ku yaala xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo maalmo ka hor laga saaray. Hawlgalkaas qorsheysan waxaa uu u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana lagu dilay inta illaa hadda aan xaqiijinay in ka badan 100 ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab ee halkaasi isku uruursanayay. Khawaarijta la laayay waxaa ku jira illaa 10 ka tirsan horjoogeyaashii hoggaaminayay kooxda Khawaarijta ah ee halkaasi isku uruursaneysay." Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

May be an image of 6 people, tree and outdoors

May be an image of indoor

Faallooyin