Muhiimadda ay leedahay deegaanka Qaayib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa markii 2aad bishan gudaheed weerar xoogan ku qaaday deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo dagaal looga saaray muddo haatan bil laga jooggo.

Weerarada oo ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, uuna xigay weerar dhowr jiho leh oo ay ku qaadeen xeryaha ciidamada ku leeyihiin deegaankaasi ayay labadii jeerba ku fashilmeen, waana deegaanka Qaayib oo hoostagga Degmada Baxdo, muddo dheerna ay ka arriminayeen. Shabaabka ayaana deegaankaasi ku lahaa saldhig weyn iyo weliba Xarun Maxkamadeed.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Qaayib ku sifeeyay deegaan istiraatiiji ah, muhiimna u ah hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.

Wasiir Kuxigeenka oo ka jawaabayay waxa keenay in Shabaabku culeys soo saaraan deegaankaasi ayaa yiri "Khawaarijta deegaankaasi waqti dheer ayay gacanta ku hayeen oo toban sano ku dhow. Sida la ogyahay wuxuu ahaa meeshii ay xukunadooda xaaraanta ah ku go'aamin jireen, oo waxyaabaha ay ugu yeeraan maxkamaduhu ay uga furnaayeen."

Waxa kaloo uu yiri "Meel istiraatiiji oo runtii aad iyo aad muhiim ugu ah ayuu Khawaarijtu u ahaa. Marka ka saaristii laga saaray halkaasi waxay runtii ku furtay irid weyn oo soo koobtay mustaqbalkoodii iyo jooggitaankoodii Gobolada Mudug & Galgaduud. Markaa waxay dareemayaan halis iyo cabsi weyn inuu deegaankaas ku yahay."

Alcadaala ayaa tilmaamay in Shabaabku ay muruq iyo maalba ku bixiyeen, sidii ay dib ugula wareegi lahaayeen deegaankaasi, balse ay taasi fashiliyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya.

"Waxay isku dayeen, wixii xoog iyo xoolo ay ku haysteen dhulkaas inay isugu geeyaan in ay deegaankaasi dib u qabsadaan, laakiin mahadda Ilaahay iyo adkeysiga mujaahidiinta deegaankaas ka soo jeeda ee dhulkooda difaacanaya iyo Ciidamada Qaranku waa beeniyeen wax alaale wixii damac iyo isku day ah oo ay lahaayeen." Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa intaasi ku daray "Illaa toddobo gaari oo qaraxyo ah ayay marayaan, inta ay deegaankaas ku soo weerareen iyo maleeshiyaad aad u fara-badan oo xilliyo kala duwan ay ku soo weerareen, dhammaan waxaas oo hawlgalo ah ay soo qaadeen waa guuldareysteen."

Wasiir Alcadaala ayaa sheegaya in maalmaha iyo toddobaadyada soo socdo la qaadi doono hawlgalo Shabaabka looga saarayo deegaanada ku dhow dhow Qaayib, ee ay weerarada ka soo qaadaan.

"Dhulkaas meelo ay ku harsan yihiin baa jirta, meelo ay ka soo weerari karaan oo la ogyahayna waa jiraan, waana kuwa qorsheysan, maalmaha iyo toddobaadyada soo socdana warkaas war ka duwan iyo deegaano ka duwan ayaan ka wada hadli doonnaa, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Alcadaala.

Faallooyin