Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo dib ugu laabtay furinta dagaalka

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Jimcihii dib ugu laabtay furimaha dagaalka, ka dib markii uu soo geba-gabeeyay socdaalkiisii Magaalada Muqdisho, ee la xiriiray xoojinta iyo dardargelinta hawlgalada.

Gudoomiyaha oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamuud Awbakar (Dhagaweyne) oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Dheere iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa gaaray deegaanka Tardo, oo ku dhow xadka gobolkaasi la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

May be an image of 2 people, military uniform and outdoors

Gudoomiyaha oo goob fagaare ah kula hadlay xoogaga dib-u-xoreynta deegaanka iyo bulshada reer Tardo ayaa ku bogaadiyay adkeynta amniga iyo dadaalada ay ku xasillinayaan deegaankaasi, oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa bulshada deegaanka kula dardaarmay in ciidamada ku garab siiyaan, sidii looga hortaggi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada, isla-markaana ay ka qayb qaataan horumarka guud ee deegaanada hoostagga Degmada Jalalaqsi.

Dib ugu soo laabashadiisa ee aagaga dagaalka ayaa imaanaysa, xilli dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka jiraan deegaanada xadka, ka dib markii Shabaabka la sheegay in maleeshiyaad fara-badan ay isaga kala keenayn gobolada dalka qaarkood.

Gudoomiye Jeyte ayaa leh abaabulka iyo dardargelinta gulufka ay tahay in Shabaabka lagaga sifeeyo guud ahaanba deegaanada gobolkaasi.

Gulufka Gobolka Hiiraan oo ka tilmaaman hawlgalada kale ee dalka ka socdo ayay bulshada qaybteed u aragtaa mid ifafaalo wanaagsan u ah in Dowladda Federaalka ay dagaalka kaga adkaan karto cadowga keliya, ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta leeyihiin.

May be an image of one or more people, people standing, tree and outdoors

May be an image of one or more people, people standing, people sitting and outdoors

May be an image of one or more people, people sitting, people standing and outdoors

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 7 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

Faallooyin