Faah faahin: Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Qaayib

Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashay weerarkii qaraxyada ku bilowday, ee ay saakay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Deegaankan hoostagga Degmada Baxdo ayaa maleeshiyada Al Shabaab laga saaray 25-kii bishii ina dhaaftay ee October.

Dagaalka oo ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayay ugu dambayn ciidamadu ugu suurtagashay inay difaacdaan gacan ku haynta deegaankaasi, ka dib markii ay gurmad ka heleen dhanka Degmada Baxdo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen kow iyo toban qof, oo isugu jira ciidamada huwanta iyo weliba dad shacab ah, halka aan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale dhaawacyada labaatan qof oo u badan ciidamada isbahaysanaya ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Baxdo, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

Inkastoo Warbaahinta Dowladda ay sheegtay in la fashiliyay qaraxyadii weerarka ku bilowday, haddana askarta dhaawacantay ayaa waxaa ku jira kuwa ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaasi.

Dhaawacyada la geeyay Isbitaalka Baxdo waxaa ku jira Xerta Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, kuwaa oo saakay gurmad ahaan uga ambabaxay degmadaasi, waana kuwa birmadka iyo gaashaanka u noqday ciidamadii uu weerarku ku socday.

Xertan ayaa u badan xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee kala irdhoobay, markii hoggaankoodii laga saaray Magaalada Dhuusamareeb, wixii ka dambeeyayna ay intooda badan kutubada ku raacanayeen Degmooyinka Wisil iyo Baxdo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in xertu ay door weyn ka qaadatay weeraradii fashilmay, ee ay Shabaabku 17-kii bishii June & 7-dii bishii January ee sanadkan ka gaysteen Baxdo iyo weerarkii kale ee ka sii horreyay ay 27-kii bishii June ee sanadkii hore ku qaadeen Degmada Wisil, kuna jabeen, waana xerta uu horaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ku ammaanay dagaalka ay kala horjeedaan maleeshiyada Al Shabaab.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda deegaanka Qaayib ayaa haatan degan, iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo deegaanka.

Faallooyin