Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Qaayib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday waxa ay ku qaadeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, oo laga saaray 25-kii bishii hore ee October.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo loo maleynayo in loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo maleeshiyadaasi ku qaadeen xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gurmad xoog leh ka heleen Degmada Baxdo, taasina ay dhabaha u xaartay in dib loo caabiyo maleeshiyadii Shabaabka ee weerarka soo qaaday.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadu ay fashiliyeen tiro qaraxyo ah, oo ay Shabaabku doonayeen inay dadka ku dhibaateeyaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yiri "Khawaarijta Al Shabaab ayaa si weyn loogu jabiyay dagaal saaka ka dhacay Magaalada Qaayib ee Gobalka Galgaduud, ka dib markii Khawaarijta oo isku dayaya inay arbushaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka. Goobta waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana hadda lagu sii daba jiraa firxadka Khawaarijta.

Dowladda Somaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta Al Shabaab, si loo helo geyiga Somaliya oo nabad iyo barwaaqo ah."

Al Shabaab ayaa dhankeeda qoraal ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay la wareegtay deegaanka Qaayib, dagaalkana ay ku dileen 43 askari.

"Dagaal muddo kooban socday ka dib, waxay ciidamada Mujaahidiintu, Allaah fadligiis jebiyeen cadowgii saldhigga ku sugnaa, waxayna gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib. Khasaaraha dhimasho ee cadowga soo gaaray inta ilaa hadda la xaqiijiyay waa 43 dhimasho ah iyo 51 dhaawac ah." Ayaa lagu sheegay warka Al Shabaab ka soo baxay.

Inkastoo isgaarsiinta Qaayib ay tahay mid go'an, haddana wararka laga helayo deegaanada ku dhow dhow ayaa sheegaya in ciidamada isbahaysanaya ay weli ku sugan yihiin deegaankaasi.

7-dii bishan ayay ahayd, markii Shabaabku ay weerar sidaan oo kale ku qaadeen deegaankaasi, kuna burburiyeen anteenadii Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.

Shabaab ayaa saldhig weyn ku lahaa deegaankaasi oo dhowr iyo toban sano ay ka arriminayeen.

Faallooyin