Ciidanka NISA oo hawlgal ku dilay 15 Shabaab ah

Sida ay sheegtay Dowladda Federaalka, Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa hawlgal ka dhacay Gobolka Shabellaha hoose ku dilay 15 ka mida ka mida maleeshiyada Al Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Buulo Madiino ee gobolkaasi.

May be an image of car and outdoors

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidanka NISA ay dhanka cirka ka taageerayeen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

"Xubnahan Khawaarijta ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Somaliya ayaa ahaa firxadkii ka badbaaday hawlgal 23-kii bishan laga fuliyay deegaankan, kaas oo lagu dilay 49 dhagarqabe.

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Khawaarijta iyo hubkii ay wateen." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

May be an image of outdoors

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

Faallooyin