General Indhacadde "Sida dagaalka loo qorsheeyaa naqaanaa, waanu qorsheynaynaa"

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inaanan loo baahnayn gaabiska toddobaadyadii ugu dambeysay ku yimid gulufkii maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayay Gobolada Galgaduud iyo Mudug (deegaanada Galmudug).

General Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa tilmaamay, haddii aan dagaalkan lagu guuleysan ay Shabaabku heli doonaan fursad ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.

May be an image of 5 people, people sitting, wrist watch, suit and indoor

"Dagaalka aan ku jirno, haddaan ku guuldareysano Walaahi inaysan waddanka qofna ka reebeynin, hal qof inaysan naga reebeynin. Ilaahay naguma guuldareeyo." Ayuu yiri General Yuusuf Maxamed Siyaad.

Jananka ayaa cid kasta ugu baaqay inay ka qayb qaadato hawlgalka, isagoona Hoggaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yeeray inay dagaalka hormuud ka noqdaan.

"Marka il-laawe iyo luglaawe haloo kaco, Madaxweynuhu hana horkaco, Madaxweyne Kuxigeenka hana horkaco, Gudoomiyaha Baarlamaankana hana horkaco. Annaguna sida xabadaha loo ridaa naqaanaayee, xabadahaa ridaynaa, sida dagaalka loo qorsheeyaa naqaanaayee, waanu qorsheynaynaa." Ayuu yiri General Indhacadde.

Waxa kaloo uu yiri "Ilaahay weligayaga dagaal aan hoggaaminayno naguma duuldareyn, weligay kuma guuldareysan, Ilaahay baan uga mahadcelinayaa."

General Indhacadde ayaa ku taliyay "Waxaan soo jeedinaa inaanan cadowga laga harin oo aan fursad la siin, mar kasta oo fursad uu helo rasaas, gabaad, feker iyo farsamo ayuu helayaa."

General Indhacadde ayaa hadalkan waxa uu xalay ka sheegay munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, laguna caleemo-saarayay Guddoonka cusub ee Golaha Deegaanka Dhuusamareeb.

Faallooyin