Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Safiirka cusub Qatar ee dalka

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Qatar u jooggi doona dalka, Danjire Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi, kaasoo shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo.

Raysal Wasaaraha iyo Safiirka ayaa si qota dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab.

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

Safiirka ayaa Raysal Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda sharafta leh, isagoo dhanka kalena sheegay inuu ka shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dal.

Raysal Wasaare Barre ayaa Dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hirgelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyay sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen martigelinta koobka kubadda cagta ee adduunka.

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 2 people and people standing

Faallooyin