R/wasaare Kuxigeenka Dalka oo soo xiray dood la xiriirta dib-u-eegista dastuurka

Ra'iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray dood ku saabsaneyd dib-u-eegista dastuurka qabyo qoraalka, oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Daraasaadka & Cilmi Baarista ee Heritage.

Madashan ayaa lagu lafa-guray horumarka, caqabadaha iyo ifafaalaha mustaqbal ee dib-u-eegista dastuurka ku meel gaarka ah iyo hannaankii Somaliya ugu gudbi laheyd dastuur sax ah, iyadoo madasha lagu soo bandhigay aragtiyo ku aaddan, sida dalka uga gudbi karo dastuurkan qabyo qoraalka ah.

May be an image of 8 people, people sitting and indoor

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa tilmaamay muhiimadda doodaha noocan ah ay u leeyihiin fahamka bulshada ee ku aaddan, sidii Somaliya uga gudbi laheyd dastuurka ku meelgaarka ah, isagoo ka warbixiyey marxaladihii dastuurku soo maray muddadii uu Wasiirka Dastuurka ahaa iyo tallaabooyinka muhiimka u ah in hore loo qaado, si dastuurka loo dhameeyo, isla-markaana dadka shacabka ah looga tala-geliyo.

May be an image of 6 people, people sitting and indoor

May be an image of 7 people, people sitting and people standing

May be an image of 4 people, people standing and text that says 'HERITAGE'

May be an image of 3 people, people sitting and suit

May be an image of 1 person and text that says 'HERITAGEINSTITUTE HERITAGE HERITAGE #HE TITUTE ERITAGEINSTITUTE H GE ERITAGE ERITAGEINST RETO ERITAGE RITAGEINS 6M IAZEERA'

Faallooyin