Gudoomiye Tool "Hawlgalka lagu xoreynayo Gobolka Bakool waa bilowday"

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool ayaa maanta ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalkan uu isagu hoggaaminayo ay ka bilaabeen deegaanada hoostagga Magaalada Xudur.

May be an image of 9 people, people standing and outdoors

"Waxaan socon doonnaa illaa Garasweyne, Moora-gaabey iyo Kulan-jareer, dhulkaas oo dhan ayaan mari doonnaa. Meeshii nabadiidka lagu arko waan la dagaalami doonnaa, dadka masaakiinta ah ee baaba'sana wax baa loo qaban doonnaa, haddii Ilaahay yiraahdo." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiye Tool ayaa yiri "Waxaa intaas dheer xoreynta guud dalka oo dhan laga xoreynayo nimankaas duurka ku jiro ee nabadda diiday iyo inay Somaliya wax la qabsadaan diiday."

Tool ayaa dadka reer Bakool u sheegay "Waxaan isku wadi doonnaa wax ka qabashada arrimaha bani'aadanimada iyo nabadeynta deegaanada. Wixii la idiin qaban karo ayaa la idiin qaban doonnaa, dhinaca nabadgelyada ha noqoto, dhinaca nolosha iyo waraabka ha noqoto."

May be an image of 8 people, military uniform and outdoors

Faallooyin