Xildhibaan Dhagey "Kuwa barraha bulshada ee wax dacaayadeenaya waa Shabaab"

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxna ka hoggaaminaya gulufka ka socda Gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay halka ay hawlgaladu marayaan.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan hawlgalada ka socda bariga gobolkaasi, isagoona ammaanay doorka Ciidanka Xoogga Dalka, taliskooda iyo weliba dadka deegaanka, oo uu ku ammaanay kuwo u soo jeestay, sidii gobolka looga saari lahaa maleeshiyada Al Shabaab.

May be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoors

Xildhibaanka oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaliilay dad uu ku sheegay inay barraha bulshada ka dhex wadaan kala qaybinta beelaha la dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab.

"Kuwa aad aragteen ee barraha bulshada ku jira ee wax dacaayadeenaya waa Shabaab, waxayna u shaqeynayaan Shabaabka, haku khaldamina." Ayuu yiri Xildhibaan Dhagey.

Waxa kaloo uu yiri "Ciddii aad aragteen inay beelaha kala qaybinayaan, isla-markaana isku diraya waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo inay Shabaab u shaqeeyaan. Marka yaanan lagu khaldamin qoloda Shabaabka u shaqeeya."

"Maantay Khawaariijtaas haddaan dadka laga kicinin, runtii dib u dhac badanaa ku jira." Ayuu yiri Xildhibaan Dhagey oo intaasi ku daray "Walaalayaal u istaaga in deegaanka la xoreeyo."

Dhanka kale Xildhibaan Dhagey ayaa beeniyay wararka sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay dib uga soo baxeen deegaanka Ceel-la helay, isla-markaana ay ciidamadu sidoodii ugu sugan yihiin goobihii Shabaabka laga saaray.

"Annaga oo masuuliyiintii ah ayaa xalay dib ugu soo laabanay Magaalada Dhuusamareeb." Ayuu yiri Xildhibaan Dhagey oo intaasi raaciyay "Ciidamadiina weli meeshii ayay jiraan."

Xildhibaan Dhagey ayaa hoosta ka xariiqay in hadda la guda geli doono wejiga 2aad ee xoreynta deegaanada ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolkaasi, ka dib markii uu sheegay in Shabaabka laga saaray deegaanada ku teedsan Magaalada Dhuusamareeb, jidadkiina la furay.

Faallooyin