Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday Wasiiro aad ugu dhawaa

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa xil ka qaadis iyo is bedelba ku sameeyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiiro aad ugu dhawaa, kuwaa oo laga xusi karo Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta iyo Cadaaladda, isagoona xubno kale magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loogu wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda.

Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimoqraadiyadda ee Puntland.

Sidoo kale Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga Caalamiga

Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa isna loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta.

Ugu dambayn Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Aduun) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wareegtada ayaa lagu yiri "Xeerkani wuxuu dhaqan-geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay."

Faallooyin