Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Suudaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New York kulan doceed kula yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Suudaan dadaalada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasillinta iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo kooxaha argagixisada.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Madaxwaynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Suudaan garab istaagga joogtada ah, ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

Madaxweyne al-Burhan ayaa dhankiisa ku bogaadiyay Dowladda Soomaaliyeed tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Somaliya.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay dhiggiisa dalka Suudaan in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan aragtida Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, sidaas awgeedna ay mudnaanta siinayaan yareynta khilaafaadka iyo xasillooni darrada gobolka.

Faallooyin