Gudoomiye Jeyte oo ballanqaad u sameeyay qof kasta oo xubin Shabaab ah dila

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ballanqaad lacageed u sameeyay qof kasta oo dadka deegaanka ka mid ah oo dila maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in qofkii dilo mid ka mida maleeshiyada Al Shabaab uu heli doono abaalmarin lacageed.

May be an image of 1 person, tree and outdoors

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in qofkii soo sheego macluumaad ku aaddan Afhayeenka Guud ee Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) uu heli doono abaalmarin dhan shan iyo labaatan kun oo dollar ($25,000).

Gudoomiyaha ayaa qoraalka ku sheegay in gulufka ka socda gobolka maleeshiyada Al Shabaab looga xoreeyay bariga gobolkaasi, haatana loo gudbi doono qaybaha kale, ee ay gobolka kaga sugan yihiin iyo gobolada kale ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegaya in deegaanada laga saaray Shabaab ay dib uga hirgelin doonaan adeegyadii dowliga ahaa.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogaga deegaanka ee Macwiisleyda ayaa Shabaabka ka saaray dhul ballaaran, oo ay gobolkaasi kaga sugnaayeen.

Faallooyin