Mareykanka oo duqayn ku dilay 27 ka mida maleeshiyada Al Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka, oo ay ka gaysteen Gobolka Hiiraan ay ku dileen 27 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab.

War xalay ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaynta oo dhacday 18-kii bishan ay ka dambeysay, markii maleeshiyada Al Shabaab ay Ciidamada Dowladda ku weerareen meel u dhow Degmada Buulo Burde.

"Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla-markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah." Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay "Ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada. Weerarada is difaaca ah ayaa u sahlay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika in ay dib u sii wadaan hawlgalka lagu wiiqayo Al Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya. Hawlgalkan ayaa ah kii ugu ballaarnaa, ee ay Soomaalida iyo ATMIS iska kaashadaan, muddo shan sano ah."

Warka ayaa lagu yiri "Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tallaabooyin ka fiirsasho leh, si looga hortaggo waxyeelada rayidka. Dadaaladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin, ee ay Al Shabaab sida joogtada ah ugu gaysato dadka rayidka ah."

Ururada argagixisada, sida Al Shabaab oo kale ayaa warka lagu sheegay inay khatar ku yihiin Somaliya, gobolka iyo weliba danaha Mareykanka.

Warka ayaa lagu sheegay "Mareykanku waxa uu sii wadi doonnaa taageerada uu siiyo saaxiibada Somaliya iyo ATMIS, si looga adkaado argagixisada Al Shabaab ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Somaliya."

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee Dowladda Federaalka ka taageera weerarada cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Faallooyin