Wararkii ugu dambeeyay hawlgalada ka socda Gobolka Galgaduud

Xoogaga Kumaandooska Gorgor oo kaashanaya Ciidamada Galmudug ayaa hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wada deegaanada ku teedsan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa Talaadadii si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Sinadhaqo, oo 25km u jira Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku sii siqayaan deegaanada Gunsaar iyo Bulacle, halkaasoo la soo sheegayo in ay isaga baxeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa hawlgalkan mid kaloo barbar-socda waxa ay ka wadaan deegaano dhaca duleedyada Guriceel.

G/dhexe Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Guutada 17aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa sheegay in gulufka ka socda gobolka uu yahay mid lagu soo afjarayo jooggitaanka Shabaab ee gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in illaa saddex jiho ay ka socdaan hawlgalada Gobolka Galgaduud.

"Shabaab marba haddii uu jabo, sidiisaba lagama haro. Shabaab waa jabay, kamana harayno." Ayuu yiri General Biixi.

Si kastaba ha-ahaatee maleeshiyada Al Shabaab ayaa sanadkan wajahaya culeyskii ugu weynaa, ka dib muddo dhowr iyo toban sano ah, oo ay ka arriminayeen qaybo ka mida dalka.

May be an image of 4 people and outdoors

May be an image of 2 people and sky

May be an image of 6 people, military uniform and outdoors

May be an image of 2 people, military uniform and outdoors

May be an image of 5 people and outdoors

Faallooyin