RW Barre oo xarigga ka jaray adeegga duulista hawada ee dalka

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Somaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.

Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka waramay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hay'adda maamusha hawada dalka.

May be an image of 7 people, people standing, suit and outdoors

Ra’iisal Wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday Xarunta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda heerkan maanta la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib-u-habeynta casriga ah ee adeegga hawada dalka.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa xusay in horumarinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale, oo ka qaybqaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeegga duulista hawada ee dalka.

May be an image of 1 person, sitting and standing

May be an image of 2 people, people sitting and suit

May be an image of 1 person and standing

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 5 people, people standing and indoor

May be an image of 7 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 7 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 2 people and suit

May be an image of 5 people, people standing, suit and outdoors

May be an image of 2 people and people standing

May be an image of 4 people, people standing and indoor

May be an image of 8 people, people standing and outdoors

Faallooyin