Shabaab oo dagaal looga saaray deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Teedaan, oo hoostagga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay muddooyinkii ugu dambeysay ka arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidanka ayaa waxaa hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Saraakiisha Militariga, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Hirshabelle, oo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu u xilsaaray xaqiijinta xaaladaha deegaanada laga saaray Shabaabka.

May be an image of 11 people and outdoors

"Argagixisada ayaa intii aanan lagala wareegin deegaanka Teedaan waxay shacabkii ka gubeen Ceel-biyoodkii, waana qayb ka mida xumaanta ay ku dhibaateynayaan shacabka." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Jeyte ayaa sheegay in dadka deegaanka loo soo celin doono adeegyada muhiimka ee ay bulshada u baahan yihiin, cadowguna ay wejihi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin, sida uu yiri.

Jeyte ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka inay la shaqeeyaan, garab-na istaaggaan Ciidanka Xoogga Dalka, ee dagaalka kula jira waxa uu ugu yeeray haraadiga argagixisada.

May be an image of 4 people and outdoors

May be an image of 4 people, people standing, military uniform and outdoors

May be an image of 4 people, people standing and outdoors

May be an image of 3 people, people standing and outdoors

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

Faallooyin