Wasiiradii ugu badnaa oo xilka la wareegay

Tiro ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabado is xigxigay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Mukhtaar Xuseen Afrax.

May be an image of 3 people, people standing and indoor

Munaasabaddii xigtay ayaa waxaa xilka kula wareegay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Abshir Cumar Haruuse, isagoona xilka kala wareegay Kusimaha Wasiirka, Balal Maxamed Cismaan.

Wasiirka cusub ee Dhalinyarada & Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xamse Saciid Xamse.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beene Beene) ayaa waxa uu isna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi ku magacawnaa Jamaal Maxamed Xasan.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Daa'uud Aweys Jaamac ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Cismaan Abokar Dubbe.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa xilka kala wareegay Wasiirkii hore, Khaliif Cabdi Cumar.

Ugu dambayn Wasiirka Kalluumeysiga & Khayraadka Badda, Axmed Xasan Aadan ayaa xilka la wareegay, isagoona kala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi, Cabdullaahi Bidhaan Warsame.

Waa tiradii ugu badneyd ee ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda, ee maalin qura xilka la wareega.

May be an image of ‎4 people, people standing and ‎text that says '‎AAA MHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA FEDERAL FOREIGN AR الفيدرالية الصومال مهورية الدولي والتعاون الخارجية الشؤون رة BLIC OF SOMALIA INTERNATIONAL MINIS XAFLA RATION FJINTA MR. ABSI XArLA WAREEJINTA 一 2定 n XIL WAREEJINTA XAFLADDA OHAMED OSMAN‎'‎‎

May be an image of 5 people, people standing and suit

May be an image of 3 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 3 people and suit

May be an image of 3 people, people standing and suit

May be an image of 5 people, people standing and text that says 'JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA WASAARADDA WARFAAFINTA HAQANKA & DALXIISKA XAFLADI AXIL WAREEJINTA SAARADDA Daa' uud Aways Jaamac

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 3 people and people standing

May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 4 people and suit

May be an image of 5 people and people standing

Faallooyin