Mareykanka oo gaadiid dagaal ugu yaboohay Ciidanka ATMIS

Dowladda Mareykanka ayaa gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ugu deeqday Ciidanka Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ee Dowladda Federaalka ka caawiya arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkan oo dhowr iyo labaatan xabo gaaraya ku wareejisay Taliska Midowga Afrika, si ay uga caawiyaan howlahooda ay dalka u jooggaan.

May be an image of 8 people, people standing, military uniform and outdoors

"Si kor loogu qaado waajibaadka ka saaran wiiqitaanka Al Shabaab, ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha muhiimka ah, Hawlgalka KMG Midowga Afrika ee Somaliya (ATMIS) ayaa la wareegay 24 gawaarida gaashaaman (APCs), oo ay ku deeqday Dowladda Mareykanka." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee ATMIS.

Gaadiidkan ayaa waxaa isticmaali doona Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka KMG ee ATMIS, kana hawlgala Magaalada Beledweyne iyo deegaanada kale ee Gobolka Hiiraan, qaybtood.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Amb. Larry André ayaa sheegay in gaadiidkan ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan miinooyinka la dhigo amaba lagu aaso waddada dhinaceeda.

Kuxigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee dalka, haweeneyda lagu magacaabo Fiona Lortan ayaa gaadiidkan ka guddoontay Danjire Larry André.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Militariga Jabuuti, General Daahir Cali Maxamed ayaa Mareykanka kaga mahadceliyay taageerada uu soo gaarsiiyay ciidankiisa.

Mareykanka ayaa bishii May sheegay inuu taageero dheeri ah siin doono Hawlgalka KMG ee ATMIS, ka dib weerarkii cagmarinta ahaa ay Shabaabku 3-dii May ku galeen xerada Ciidanka ATMIS ee deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 5 people, people standing, military uniform and outdoors

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 1 person, standing and outdoors

May be an image of 2 people, people standing and outdoors

May be an image of 2 people and outdoors

May be an image of 2 people and military uniform

May be an image of 13 people, people sitting and people standing

May be an image of 10 people, people standing, military uniform, outdoors and text that says 'ATMIS ATMIS ATM ATMIS'

Faallooyin