Somaliland oo mamnuucday bannaanbaxyada ay mucaaradka abaabulayaan

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo saaray digniin la xiriirta inaanan la qaban karin bannaanbax aan sharci loo haysan.

Wasiirka ayaa ciidamada amniga faray inay ka hortaggaan nooc kasta oo bannaanbax ah, kaasoo aan ogolaansho looga haysan xukuumadda.

No photo description available.

"Dhammaan waxaan u sheegaya ciidamada amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland inaanay dalka ka qabsoomi karin mudaaharaad aan sharci ahayn." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Mudaaharaadka waa inay sharciyaddiisa u maraan ee laga wada hadlo, ee horeyna u sheegnay waxay u yeelanayaan xaq, ciidankuna wuxiu ilaalinayaa iyaga iyo mudaaharaadkooda. Wasaaradan maysan soo weydiisan, barasaab may weydiisan, gudoomiye degmo may weydiisan. Waxaan ka war haynaa in mudaaharaadkan loo sameynayo, si aan salmi ahayn. Waxaanu ka warqabnaa wax fara-badan aan sharciyadda ogoleyn in la uruurinayo."

Wasiir Kaahin ayaa intaasi ku daray "Waxaan leenahay cidna xaqeeda dastuuriga ah loo diidi maayo, cidna loo ogolaan maayo waxaysan xaq dastuuri ah u lahayn."

Digniinta Wasiirka ayaa ku soo aadaya, xilli Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ay abaabulayaan bannaanbax ku aaddan khilaafka ka taagan furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Doorashada Madaxtooyada.

Faallooyin