Culimada Dowlad Deegaanka oo soo saaray baaq ka dhan ah Shabaab

Culima'udiinka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo saaray baaq ka dhan ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab, laguna garab istaagayo Ciidamada Dowlad Deegaanka, ka dib duulaankii Shabaabku ay dhawaan ku qaadeen deegaano ka tirsan Dowlad Deegaanka.

Shir ay culimadu ku yeesheen Magaalada Jigjiga ayay geba-gabadiisii ka soo saareen baaq ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, waxayna weerarkii maleeshiyadaasi ku tilmaameen mid gebi ahaanba liddi ku ah Islaamnimada.

May be an image of 2 people and people sitting

Gudoomiyaha Golaha Sare Arrimaha Islaamka ee Dowlad Deegaanka, Sheekh Axmed Aabi Mataan oo ka warbixiyay ujeedada shirkooda ayaa isagoo ku hadlaya afka culimada waxa uu ku baaqay in la iska difaaco Shabaab.

"Haddaan nahay culimadii deegaanka, qaasatan muraayaddii deegaanka, oo ah Caasimadda Jigjiga culimadii ku dhaqneyd inay dareenkeedu muujiyaan, iyaga oo gacmaha is wada haysta, walaala ah, cadowgaas deegaankeena ku soo duulay qaabkii aan uga hortaggi lahayn, shirkeena qaabkaas ayuu ku saabsan yahay." Ayuu yiri Sheekh Axmed Aabi Mataan.

"Arrintan maanta waxaan u baahanahay inaan caddeyno, ka culimo ahaan, nimankaasi inay daalimiin yihiin Al Shabaab ah. Niman daalimiin ah oo ku soo xadgudbay ummad Muslimiin ah, dadka ay laynayaan uu yahay dad Muslimiin ah, inaan si dhab ah u caddeyno Shareecada Islaamka waxa ay ka qabto, oo aan la inoogu soo gamban magac diimeed." Ayuu yiri Sheekh Axmed.

Culimada ayaa shacabka ugu baaqay inay si buuxdo u garab joogsadaan ciidamada, si aanay Shabaab dib dambe cagta u soo gelin qaybo ka mida Dowlad Deegaanka.

May be an image of 3 people, people sitting and people standing

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ka qaybgalay shirkaasi ayaa culimada kaga mahadceliyay ka falcelintooda weerarkaasi.

Madaxweyne Cagjar ayaa dadka deegaanka ugu baaqay midnimo iyo in la garab istaago ciidamada, ayna tahay in Shabaab looga hortaggo xuduudda.

Faallooyin