Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Golaha Wasiirada cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka, oo uu wehlinayo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Ra’iisal Wasaaraha latashiyada ballaaran ee uu sameeyay iyo dadaalka uu ku bixiyay dhismaha xukuumad tayo leh, oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda iyo fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

May be an image of 3 people, people standing and suit

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajiso xiriirka diblomaasiyadeed ee Somaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay ansixiyaan xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryay in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

May be an image of 2 people and indoor

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 4 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 4 people, people sitting and indoor

May be an image of 4 people, people standing, suit and indoor

May be an image of 6 people, people sitting, people standing, suit and indoor

May be an image of 3 people, beard and suit

May be an image of 2 people, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 6 people, people sitting and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 3 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 7 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 9 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 7 people, people sitting, suit and indoor

May be an image of 5 people and people standing

May be an image of 7 people and people standing

Faallooyin