Somaliland oo sheegtay in sanadkan aanay dadkeedu ka qaybgeli doonin gudashada Xajka

Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliland ayaa maanta sheegay inaanay shacabka reer Somaliland sanadkan ka qaybgeli doonin gudashada acmaasha Xajka, ka dib markii uu Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay soo fara-gelisay arrimaha Xajka.

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa sheegay inaysan Somaliland sanadkan Dowladda Federaalka ka helin saamigii Xujeydeedu ay xaqa u lahaayeen.

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and indoor

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa dowladihii kala dambeeyay ee Somaliya ku eedeeyay inay carqalado joogto ahi ku hayeen dadka reer Somaliland, marka ay noqoto gudashada waajibaadka Xajka iyo Cumrada.

"Waxay ku tallaabsadeen arrimo dhowr ah oo keentay in dhammaan shacabka reer Somaliland ee tiradoodu gaarsiisan tahay afarta milyan iyo dheeraadka ay ka baaqdaan inay sanadkan ka qaybgalaan gudashada rugniga 5aad Diinta Islaamka ee ah Xajka." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaa horey, muddaba Dowladda Somaliya ay ku dadaaleysay in la dhimo tirada Xujeyda ee ka xajinaysa shacabka reer Somaliland, waxaana arrintaa marqaati cad u ah inaan illaa saacaddaan, oo aan warkan shaacinayno qof qura oo xaaji ah oo VISA xaj ah Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka soo gaaray Dowladda Sacuudi Carabiya aanay jirin, tiradii Somaliland laheydna Dowladda Somaliya ku takri-fashay, oo ay u qaybiyeen dad ganacsato ah oo Suuqa Muqdisho ku dhex iibinaya."

Wasiir Albaani ayaa soo saaray go'aamo, isagoo dhanka kalena baaq u jeediyay Dowladda Sacuudiga, si ay arrintani u soo fara-geliso.

"Haddaba Dowladda Somaliland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay go'aansadeen, oo aan halkan ku caddeynaynaa 1- in dadkayaga iyo shacabkayaga sanadkan aanay xajin doonin, duruufahaa aanu soo sheegnay awgeed. 2- Waxaanu halkan ku cambaareynaynaa takri-falka iyo siyaasadeynta ee Dowladda Somaliya kula kacday arrimaha Xajka. 3- Waxaanu mar labaad baaq u diraynaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dunida Muslimkaba in ay si degdeg ah arrintan u soo fara-geliyan, maadaama afar milyan iyo dheeraad qof oo reer Somaliland ahi dadkii ka xajiyi lahaa maanta la iska hortaagay." Ayuu yiri Wasiir Albaani.

Faallooyin