Xildhibaanada Labada Aqal oo maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in maanta ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkan (2022).

May be an image of one or more people, people standing and indoor

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in sagaalka subaxnimo ay soo xaadiraan Xarunta Villa Hargeisa, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Aqalka Sare.

Xildhibaanada ayaa 12-kii bishan yeeshay kulan guud oo la xiriiray akhrinta 1aad ee Miisaaniyadda Qaranka.

Faallooyin