Wararkii ugu dambeeyay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya, Cabdikariin Cali Kaar ayaa ka warbixiyay xaaladda caafimaadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii Jimcihii laga helay xanuunka COVID-19.

Afhayeenka ayaa tilmaamay, tan iyo intii xanuunka laga helay Madaxweynuhu aanu jirin wax saamayn ah oo xanuunkaasi ku yeeshay caafimaadkiisa.

"Waxaan ugu bishaareynaynaa ummadda Soomaaliyeed in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aad u wanaagsan tahay. Sida aan horey u sheegnana, tan iyo markii Madaxweynaha laga helay dhammaadkii toddobaadkii tegay COVID-19, ma jirin wax saamayn muuqata oo ku yeelatay caafimaadkiisa, maadaama uu Madaxweynuhu tallaalnaa." Ayuu yiri Afhayeenka oo shir jaraa'id ku qabtay Qasriga Villa Somalia.

Afhayeenka ayaa xusay in Madaxweynuhu uu si caadi ah u gudanayo waajibaadkiisa qaran, isaga oo markaasi raacaya habraacyada iyo talooyinka bahda caafimaadka.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si caadi ah u wataa shaqadiisa qaran, isagoo raacaya talooyinka iyo habraacyada bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19. Waxa uuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed ducadii iyo bogaadintii ay la soo wadaageen." Ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Kaar ayaa intaasi raaciyay "Sida ay soo jeediyeen dhakhaatiirtu waxaa berri laga qaadayaa Madaxweynaha baaritaan la xiriira COVID-19, si loo hubiyo is bedelka natiijada caafimaad, maadaama ay dhowr maalmood ka soo wareegtay, tan iyo baaritaankii hore."

Faallooyin