Madaxweynaha Somaliya oo bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, ansixinta Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo 15-kii bishan uu magacaabay Madaxweynuhu.

"Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Somaliya oo ila qaatay magacaabista Ra'iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna."

May be an image of 1 person, sitting and suit

Madaxweynaha ayaa tilmaamay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan dhismaha xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa samatabixinta dadka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta yoolka Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Ra'iisal Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyay in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

Faallooyin