Ra'iisal Wasaaraha magacaaban oo maanta hortagaya Baarlamaanka

Ra'iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in maanta uu hortaggo Xildhibaanada Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyay in sagaalka subaxnimo ay soo xaadiraan kulanka, oo ka dhici doono Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Image

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra'iisal Wasaare Barre u magacaabay inuu noqdo Wasiirka 1aad ee Golaha Fulinta, ka dib markii uu u arkay inuu yahay shakhsiga ku haboon jegadaasi.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa la sheegaa inay isu aragti ka yihiin arrimaha siyaasadda dalka, sidoo kalena ay isku xisbi yihiin.

Faallooyin