Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo gargaar gaarsiisay Puntland

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Waxaa garoonkaasi ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Labada Gole ee Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal iyo bulshada qaybteed.

May be an image of 3 people and people standing

Sacdiya Yaasiin ayaa Dowlad Goboleedka Puntland gaarsiisay deeq gargaar oo bilow u ah gurmadka abaarta ee ka jirta qaybo ka mida deegaanada Puntland.

Sacdiya Yaasiin oo Warbaahinta ka soo muuqatay ayaa sheegtay inaanay deeqdani noqon doonin middii ugu dambeysay, balse ay tani u soo hormariyeen, si loo gaarsiiyo dadka ay sida ba'an abaartu u waxyeeleysay.

Gargaarkan ayay ku wareejisay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Puntland, Leyla Cabdi Cartan.

Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Kusime Madaxweyne ka noqoto dalka, waxayna xilkan qabatay, xilli horaantii toddobaadkan ay dalka ka wada maqnaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), inkastoo Aadan Madoobe uu Arbacadii dalka dib ugu soo laabtay.

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

May be an image of 8 people, people standing and sky

May be an image of 6 people, people standing and outdoors

No photo description available.

May be an image of outdoors

May be an image of 2 people, people sitting, headscarf and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 2 people and people standing

Faallooyin