Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay gaari Shabaab u adeegsanayeen ismiidaamin

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Nabad Sugidda Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii hawlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in hawlgalka laga sameeyay deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, Yaaq dabeyl iyo Barjalla, ayna ciidamadu ku buburiyeen fariisimihii Shabaabku ku lahaayeen deegaanadaasi.

May be an image of 5 people and outdoors

Sida ay idaacaddu sheegtay ciidamada ayaa gacanta ku dhigay maadooyin ay Shabaabku u isticmaalayeen samaynta qaraxyada iyo weliba gaari ay doonayeen in ay u adeegsadaan weerarada ismiidaaminta.

Idaacadda ayaa ku warantay intii uu hawlgalku socday inay ciidamadu dileen laba ka mida maleeshiyada Al Shabaab, halka afar kalena ay gacanta ku soo dhigeen.

Bogga idaacadda ayaa lagu baahiyay muuqaalada waxyaabihii ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

May be an image of 1 person and outdoors

May be an image of car and outdoors

May be an image of 1 person and outdoors

May be an image of 3 people and outdoors

No photo description available.

Faallooyin