Ra'iisal Wasaaraha magacaaban oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed

Ra'iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ka dib markii uu ku booqday hoygiisa Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Ra'iisal Wasaaraha cusub ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

May be an image of 3 people and people standing

Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale u hambalyeeyay Ra'iisal Wasaare Barre, iyadoona uu Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad dalka iyo dadkaba u adeegta.

"Waxaan mar kale ugu hambalyaynayaa masuuliyadda loo magaacabay, waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh in ay siiyaan codka kalsoonida Ra'iisal Wasaaraha cusub, si uu u soo dhiso xukuumad cusub oo dalka iyo dadka u adeegta."

Ra'iisal Wasaare Barre ayaa la filayaa in dhawaan uu hortaggo Baarlamaanka.

May be an image of 1 person, suit and indoor

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting and people standing

May be an image of 3 people, people sitting, people standing and suit

May be an image of 1 person and sitting

No photo description available.

Faallooyin