Booliska Jubbaland oo soo bandhigay nin loo haysto faafinta warar been abuur ah

Taliska Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa Arbacadii Magaalada Kismaayo ku soo bandhigay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur, kaasoo loo haysto in uu barraha bulshada ku faafiyay warar been abuur ah.

Ninkan ayaa aalada Tiktok ku baahiyay muuqaal uu ku sheegayo in Magaalada Kismaayo uu ku nool yahay nin qaba gabar uu dhalay, kaasoo weliba ay carruur u dhashay.

May be an image of 1 person and text

"Magaalada Kismaayo, qaasatan xaafadda Dalxiis waxaa jooggo nin qabo gabadhiisa, wuu qabaa ma dhihi kariyee laakiin haysto, kaaga daran carruur ay u dhashay." Ayuu ninkan ku sheegay muuqaalkaasi.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay arrintaasi baareen, dibna ay ka ogaadeen in uu yahay war aan sal iyo raad, toona lahayn. Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay ninkaasi baadigoobkiisa galeen, isla-markaana ay ka soo qabteen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, diyaarad-na ay ku keeneen Magaalada Kismaayo.

May be an image of 2 people and people sitting

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa muuqaal la soo dhigay bogga Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee Facebook waxaa uu ku sheegay in si aan ka fiirsasho lahayn uu warkaasi ugu hadaaqay, haatana uu garowsan yahay in khaladkaasi uu ka dhacay.

"Waxaan rabaa inaan beeniyo muuqaalkaas, maadaama wax jiro uusan ahayn, ummadda Soomaaliyeed-na uu ku yeeshay saamayn inaan beeniyo, aadna ogaataan inuu waxaas ahaa wax aan waxba ka jirin oo Prank ahaan iga ahaa, markii dambena ummadda Soomaaliyeed laftirkeeda uu saamayn ku yeeshay." Ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdullaahi.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa yiri "Aabe-yaasha Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay iskakey cafiyaan, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee reer Kismaayo, gaar ahaan Dalxiiska, aad baan idiin jeclahay, waxaas-na wax dhici karo ma'ahan."

Booliska ayaa sheegay inay ninkaasi ku wareejin doonaan Hay'adaha Garsoorka, si loo marsiiyo wixii ciqaab ee uu muteysto.

Booliska ayaa dhallinta adeegsata barraha bulshada uga digay inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah, ee aan u wanaagsanayn bulshadooda.

Faallooyin