Cudurka Kalooraha oo ka dilaacay Baydhabo iyo dad ugu dhintay magaaladaasi

Cudurka Kalooraha (Cholera) ayaa ka dilaacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoona ay soo badanayaan dadka uu soo ridanayo cudurkaasi.

Karoolaha oo Soomaalidu u taqaano (Daacuun calooleed ama shuban biyood) ayaa ka mid ah cudurada faafa, waana cudur keena shuban daran, matag, tabaryari aad ah iyo dhimasho.

No description available.

Maalmihii ugu dambeysay dad badan oo cudurkani uu soo ritay ayaa la dhigay Isbitaalka Guud ee Baydhabo, kuwaa oo qaarkood u geeriyooday.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in sidoo kale uu xanuunku ka jiro tuulooyinka hoos-tagga Magaalada Baydhabo, ayna soo badanayaan dadka uu soo ridanayo ee la keenayo Isbitaalada magaaladaasi.

Howlwadeenada caafimaadka ee magaalada ayaa sheegaya in dadka uu xanuunku soo ridanayo ay isugu jiraan carruur iyo dad waaweynba, tirada dhimashadana ay maalinta maalinta ka dambeyso sii kordheyso.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in cudurka Kalooraha uu gaaro xeryaha barakacayaasha ee duleedyada Baydhabo, taasoo xaaladda kaga sii dari karto, bacdamaa ay dadkaasi u degan yihiin qaab sal xiriir ah.

Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabisay wax ka qabashada cudurka ka dilaacay magaalada, taasi bedelkeedana ay ku mashquulsan tahay ololaha Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waana xilli Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu Muqdisho u jooggo u ololeynta doorashadaasi.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

No description available.

Faallooyin