Nin ka mid ahaa Ergada oo caawa lagu dilay Beledweyne

Cabdirashiid Muxumed Geeddi oo ka mid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa caawa lagu dilay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa xaafadda Xaawo Taako ku toogtay Cabdirashiid Muxumed, oo ka mid ahaa xubnihii magaaladaasi ku soo doortay kursiga #HOP058, oo 28-kii bishii March uu ku soo baxay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

May be an image of 1 person

Raggan oo si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab ayay u suurtagashay inay goobta ka baxsadaan, ka hor intii aysan gaarin ciidamada amniga.

Shabaabka ayaa tan iyo sanadkii 2017 bartilmaameedsanayay Ergada soo doorato Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Faallooyin