Daahir Maxamuud Geelle oo ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyay in uu ka haray tartanka doorashada madaxtinimada ee dalka, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu sii wadi doono dadaalada, oo ugu jiro toosinta iyo horumarinta ee siyaasadda dalka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu Xildhibaanada Labada Aqal ugu baaqay inay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan, oo astaan u noqon kara buu yiri is bedelka loo baahan yahay.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa:-

May be an image of 1 person, beard and eyeglasses

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageereyaasha olohayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaalada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Somaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Mudaneyaasha Baarlamaanka ee sida dhow ii garab istaagay, muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee JFS ku boorinayaa, uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan, oo astaan u noqon kara is bedelka loo baahan yahay.

Faallooyin