Bandow muddo kooban soconaya oo lagu soo rogay Magaalada Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in bandow ku-meel-gaar ah lagu soo rogay Magaalada Muqdisho, inta laga dooranayo Madaxweynaha xigga ee Dowladda Federaalka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in bandowgu uu bilaaban doono 9:00pm ee caawa, uuna ku egyahay subaxnimada Isniinta.

May be an image of one or more people and people standing

"Bandowga wuxuu bilaabanayaa caawa 9:00pm fiidnimo, wuxuuna ku egyahay 6:00am subaxnimo ee Isniinta, oo bishu tahay 16-ka. Waxa u dhaxeeyo waxaa weeye, berrito oo Axad ah, doorashadana la qaban doono." Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in bandowgu uu saamayn doono dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga guud ee magaalada oo dhan.

"Magaalada Muqdisho waa magaalo isku xiran, waa magaalo ganacsigeeda iyo isku socodkeeda isku xiran, waana magaalo dhaqdhaqaqeeda guud isku xiran yahay, sababtaasaana keentay in magaalada guud ahaan la hakiyo dhaqdhaqaaqeeda." Ayuu yiri Afhayeenku.

Cabdifitaax Aadan ayaa Axadda berrito ku tilmaamay "Berrito waa maalin qiimo badan u leh ummadda Soomaaliyeed, waa maalin dalka uu gelaayo Doorashada Madaxweynaha."

Illaa 39 musharax ayaa toddobaadkii hore loo diiwaangeliyay doorashada jegada madaxtinimada ee dalka, inkastoo musharaxiinta qaarkood ay bilaabeen inay doorashada ka tanaasulaan.

Faallooyin